Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in weerar dhowr jiho ah ay ku qaadi doonaan maamulka Somaliland oo ciidamo ay ka joogan qeybo kamid ah Gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha gobalka Sool ee Puntland Cabdiraxmaan Abukar Geelle oo sheegay in ciidamada Somaliland ay wadaan sal balaarsi iyo xadgudub xuduud.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in dhawaan ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobalka Sool.

Waxa uu Gudoomiyaha Gobolka sheegay in shacabka Gobolka laga doonaayo inay ka qeybqaatan dagaalka, isla markaana hagaan ciidamada maamulka.

Waxa uu shacabka gobolka Sool ka dalbaday  in aysan niyad jabin oo ay ka qeyb qaataan dagaalka ciidamada Puntland ay ku qaadi doonaan Ciidamada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, dagaalka ay ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland kaga sugan Gobolka ayuu sheegay inuu noqon doono mid ay qaadan maalmaha nagu soo aadan.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa imanaya xili ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobalka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com