ISRAEL oo soo bandhigtay sir ay ku sheegtay keydka nukliyeerka DALKA IRAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dagaal afka ah u dhexeeyo Iran iyo Israel ayaa waxaa QM la hordhigay sawirada dhul baaxad weyn oo Iran u ah Keydka Hubka Nukliyeerka.

Ra’isul wasaaraha Isarela Benjamin Netanyahu oo qeyb ka ah madaxda lagu casuumay shirka golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa madaxda adduunka tusay halka lagu keydiyo Hubka Nukliyeerka ee Iran.

Waxa uu Netanyahu sheegay in Iran ay leedahay xarumo qarsoodi ah oo lagu keydiyo Hubka Nukliyeerka iyo Kiimikada halista ah wuxuuna ugu baaqay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay goobtaasi booqdan.

Sawirada uu shirka kusoo bandhigay ayaa waxaa lagu soo koobay dhamaan xarumaha Keydka u ah Iran, isagoo halkaa kaga dhawaaqay in Iran ay halis ku tahay adduunka.

Sawiradan oo Netanyahu uu ku sheegay xog sir ah ayaan ahayn markii ugu horeysay oo uu hogaamiyaha Israel kusoo bandhigo warbixino uu sheegay inay sirdoonkiisa ka heleen Tehran, bishii May ee sanadkan ayuu sidan oo kale magaalada Tel Aviv ugu soo bandhigay xogo ka dhan ahaa Iran.

Netanyahu, waxa uu sheegay in halista Iran ay saameyn weyn ku yeelankarto adduunka oo idil, waxa uuna QM si degdeg ah uga dalbaday in baaritaan lagu sameeyo xarumaha keydka hubka.

Netanyahu, waxa uu tilmaamay in Iran ay adduunka ka dhaadhicisay inay hakisay isticmaalka Hubka culus, hase yeeshee ay si xooli ah u sameeyan Hubka u kala goosha qaaradaha fog.

Xogta uu soo bandhigay Netanyahu kadib ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhawaaqay inuu burburiyey heshiiskii Iran ee la saxiixay 2015.

Trump ayaa burburinta heshiiskaasi u adeegsaday xogtuu soo bandhigay Netanyahu.

Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka Trump, Israel iyo Sacuudiga ayaa bilihii ugu danbeeyay ku  jiray olole xoogleh oo lagu burburinayo heshiiskii beesha caalamka iyo Iran wada saxiixdeen 2015, taa oo ugu danbeyntii uu Trump ku dhawaaqay burburinteeda.

Sidoo kale, Seddexda dhinac ee Mareykanka, Israel iyo Iran ayaa hada mar kale dib u bilaabay olole horleh oo u muuqdo inuu salka ku hayo abaabul dagaal oo ay xulafadaasi doonayaan in lagu qaado Tehran, arrintaasi oo uu ka digay Madaxweynah Iran Xasan Rouhani oo isaguna khudbad kasoo jeediyey Shirweynaha UN-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka iyo Israel ayaa u mindiyo sifeysanaaya Iran, waxaana aad loo saadalinayaa in awood Militeri loo adeegsado burburinta xarumaha keydka Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com