Doorashada GAL-MUDUG oo dib u dhac uu ku yimid

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaanada maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo saaray qoraal ay ku bayaaninayaan dib u dhac ku imaaday doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

Xildhibaanadan oo dhawaan sheegay inay xilkii ka qaaden Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in doorashadooda ay u dib dhacday isbedel ku imaaday Jadwalka.

Xildhibaanada ayaa markii hore Doorashada madaxweynaha iclaamiyey inay dhaceyso 30-ka Bishaan September balse haatan dib loo dhigay.

Waxa ay mar kale sheegen in doorashada ay qabsoomi doonto 6 Bisha soo socota ee Octoper 2018-ka.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in sababta dib ugu dhacday doorashada ay tahay codsi ka yimid musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug.