CC Shakuur oo ka jawaabay hadalkii R/Wasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal u eg in uu kaga jawaabayo khudbaddii uu xalay Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyay xuska maalintii la naqshadeeyay calanka Soomaaliya ee 12-ka October.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in difaaca xukuumadda dalkaan ay ka bilaabanayso in ciidamada Ajanabiga ah ee ilaaliya madaxtooyada Soomaaliya laga wareejiyo oo lagu aamino ciidamada qaranka.

“Difaaca xudduudda dalkeenna waxay ka billaabataa askarta ajnabiga ah oo ammaanka Madaxtooyada laga wareejiyo, lana helo askari Soomaaliyeed oo gaar ka haya xadka dhul, cir iyo bad ee geyigeena” ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur.

Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu ku yiri, “Soomaali isku dan ah, dareen isku mid ah ka qabta halista qaran, hiigsi iyo himilo mid ah leh ayaa dal difaacan karta”.

Ugu dambeyntii hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in taariikhdu ay xusi doonto oo kaliya siyaasigii hirgaliya himilooyinka shacabka, “Taariikhduna waxay si togan u xusi doontaa siyaasigii taa ka mira dhaliya, waxayna si taban diiwaan u gelin doontaa siyaasiga ku hawlan horgelinta aragti haraadi ah oo qaran jabkeenna horseeday”.

In kasta oo uusan xusin qolo gaar ah hadana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u eg kuna beegan mid jawaab u ah hadal uu xalay munaasabadda xuska 12-ka October ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafid ama qof kasta oo Soomaali ah looga baahanyahay in uu difaaco sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Qofka Soomaaliga ah meel kasta oo uu joogo ayuu sheegay Kheyre in ay waajib ku tahay in uu difaaco dalka cir, bad iyo bariba, waxuuna halka Kheyre ku soo beegmay xilli ay Kenya maalmihii lasoo dhaafay ku soo xad gudubtay hawada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com