Turkiga oo guulo-weyn ka gaaray dagaalka Syria iyo Erdoğan oo war soo saartay

Ankara (Caasimadda Online) – Tirada maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee lagu dilay weerarka uu Turkiga ku qaaday woqooyiga dalka Suuriya ayaa gaaray illaa 500 oo dagaalyahan sida uu Maanta oo Axad ah xaqiijiyey madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweyne Erdoğan oo warbaahinta faahfaahin ka siinayey halka uu marayo weerarka ay Ciidamada Turkiga ku qaadeen woqooyiga dalka Suuriya ayaa sheegay in la dilay 440 Argagixis, halka 26 la dhaawacay sidoo kalana wuxuu sheegay in 24 kale ay isa soo dhiibeen.

Erdoğan ayaa xusay in Ciidamada Turkiga iyo kuwa Militariga Suuriya ee SNA ay u suurta gashay inay Argagixisada ka qabsadaan 109 kilometers oo Sqaure ah.

Erdoğan wuxuu sheegay in argaggixisadu ay awoodi kari waayeen inay ka hortagaan ciidamada Turkiga oo ay taas badalkeeda bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah.

“Degmooyinka shicibku waxaa ku dhacay 652 madaafiic ah, kala bar waxay ku dhaceen degmooyinka Nusaybin iyo Kızıltepe. Waxay raadinayaan inay dhibaateeyaan shacabka,” ayuu yiri Erdoğan

Erdoğan ayaa sheegay in 18 shacab ah oo badankood carruur yihiin la dilay, halka 147 kale lagu dhaawacay weerarada argagixisada, sidoo kalana wuxuu sheegay in Ciidamada Turkiga laga dilay 2 kamid ah ciidamadooda halka uu sheegay in Ciidamada Siiriya dagaalka looga dilay 16.

Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Eusan ayaa sheegay in Mareykanku uu ka daadgureyn doono ku dhawaad 1000 askari waqooyiga Siiriya xilli uu socdo Howlgalka Nabadda ee Turkiga.

Mark Eusan  ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu amar ku siiyay ciidamada Mareykanka inay u guuraan koonfurta kana guuraan halka uu ka socdo howlgalka  Turkiga, laakiin wuxuu xaqiijiyey inaysan ka bixi doonin guud ahaan Siiriya .

Caasimada Online
Xafiiska Ankara 
caasimada@live.com