Salaad Cali Jeelle oo laba u kala qeybiyey siyaasiyiintii tagtay Kismaayo + Video

Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Abgaal ee mushaarka ka qaatay Villa Somalia, ayaa weerar culus ku qaaday siyaasiyiintii iyo madaxdii hore dalka usoo maray ee ka qeybgalay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Salaad Cali Jeelle ayaa madaxdii iyo siyaasiyiintii ka qeybgalay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe ku tilmaamay inay yihiin kuwa u shaqeenayo wadamo shisheeyo oo loo adeegsanayo niyad jabinta shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali Jeelle ayaa siyaasiyiintii iyo madaxdii ka qeybgashay Xafladdaas u kala qeybiyey laba qeyb.

Qaar ka tirsan kuwaas ayuu sheegay inay yihiin kuwa horey ugu fashilmatay xukunka oo dayacay dalka, isla markaasna hadda doonaya inay xukunka kusoo noqdaan.

Qeybta labaad ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa dalaaliin ah oo siyaasadda ugu jiro inay lacag ka abuuraan, islamarkaana ay ganacsi ka raadiyaan la dagaalanka Xukuumadda talada heyso.

Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale ka hadlay khudbadii uu Xafladda Caleema saarka ka jeediyey guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaalle oo uu ku tilmaamay inay aheyd mid dhibaato ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan nasiib daarro aheyd inay u sacbiyaan madax soo maray dalka.

Wuxu Aadan Barre Ducaalle ku eedeeyey inuu kamid yahay dadkii Dowladda Kenya ku qalqaaliyey inay muran geliso Badda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay Siyaasiyiinta ku xiran Villa Soomaaliya ee bil kasta lacag ka qaato Dowladda si ay uga difaacaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Salaad Cali Jeelle