Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo geesinimadii ay saakay muujiyeen labo wiil oo ka mid ahaa ilaalada Madaxweynaha Galmudug, kuwaas oo ku shahiiday qarax ay isku dhigeen, si aan loogu dhibaatey Qoor Qoor, Cabdi Qaybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in wiilashaasi ay laba jeer shuhado yihiin, isagoo ku tusaaleeyey inay dileen nin Khawaarij ah, isaguna uu iyaga dilay.
“Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi labo jeer ayey shuhaddo yihiin sida uu Xadiiska Suubanaheena (SCW) sheegay ee ahaa “Ruuxii ay khawaarijtu dilaan waa shahiid, kii iyaga dilana waa shahiid”, geesiyaasha saaka bixiyiyay wixii ugu qaalisanaa oo ahaa naftooda, nati-halaagihii khawaarij-ka ahaa waa dileen, isaganu wuu dilay iyaga,” ayuu yiri CC Shakuur.
Wuxuu sheegay in weerarkaas la fila karay, laakiin sida wiilasha ku shahiiday ay uga hortageen ay tahay xeelad cusub oo weerarrada ismiidaaminta ah looga hortagi karo, si qasaaraha loo yareeyo.
“Weerarkii ismiidaamiska ahaa ee naftii halligaha Khawaarijta ka tirsanaa uu ku bar tilmaamsaday Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaarire (Qoorqoor), Wasiir Axmad Xasan Aadan, Xildhibaan C/salaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) waa mid mar kasta la filan karay, waxaase ugub ah in markii xabad kasta lagu joojin waayey gaarigii buruufta ahaa ee naftii haliggahu qaraxa ku watay ay labo geesi oo ka tirsan ciidanka qaranka si naf hurnimo leh gaari kale kaga horgeeyeen,” ayuu yiri CC Shakuur.
Jimcihii maanta dadka Soomaaliyeed waxay aad uga faaloonayeen sida Axmed iyo Maxamed ay naftooda ugu horeen masuuliyiintii ay ilaalinayeen, iyadoo aad loogu duceeyey, si gaar ah dadka isticmaala baraha bulshada ee Internetka.
Labadaan wiil oo darawal iyo gaandheri ka ahaa gaari Cabdibile ah ayaa ka hor tegay oo rasaas la dhacay kadibna isku dhigay ninkii Shabaabka ahaa ee waday gaariga lagu soo raray qaraxa oo ahaa nooca aysan xabadu karin.
Madaxweynaha Galmudug, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaraxaas, kadib markii uu ku dumay gurigii ay ku jireen ayaa loo qaaday Muqdisho.
Ciidamada ku sugnaa deegaanka Laas-gacamey ee saakay qaraxa lagu weeraray ayaa qorsheynayey in maanta ay xoreeyaan magaalada Bacaadweyn, balse qorshahaas waxaa dib u dhigay qaraxii dhacay.
Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa Caasimada Online u sheegay in galabta ay ka ruuqaansadeen deegaanka Laas-gacamey oo berri ay la wareegi doonaan magaalada Bacaadweyn oo caawa kaabiga ay ku hayaan.