CC Shakuur oo looga digay in mar kale uu dhibaato ku muteysto hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia siyaabo kala duwan uga socda kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Odayaasha, Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye iyo CC Shakuur oo dhinac ah.

Kulamadan oo xoogeystay wixii ka danbeeyay deysmada Siyaasiga Mucaaradka CC Shakuur, ayaa waxaa loogu gol leeyahay in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay weerarka iyo xariga CC.

Odayaasha beelaha ayaa CC Shakuur uga digaaya inuu ku fududaado eedeymaha qaar ee aan xadidneyn, waxa ayna ugu baaqayaan inaanu ka weecan xeendaabka mucaaradka.

Odayaasha ayaa CC Shakuur u sheegay inay muhiim tahay in la dhowro xadka uu leeyahay Siyaasiga Mucaaradka ah oo ay ula jeedan inaan la oran wax waliba oo dhibaateynkara hanaanka shaqo ee dowlada aanu u dhicin xadgudub danbe oo ay sameyso dowlada.

Halka arrin ee ugu weyn oo ay Odayaasha ka dalbadeen CC Shakuur ayaa ah inuusan furo u noqon dhinacyada kale ee mucaaradka ku ah DFS.

Sidoo kale, Odayaasha ayaa CC Shakuur kaga digay inuusan ku hadal afka Xisbiyada kale ee mucaaradka, si loo helo isla xisaabtan isla markaana Siyaasi waliba oo mucaarad ku ah dowlada Federaalka wax looga weydiiyo gafka uu u geysto dowlada.

Dhinaca kale, digniinta Odayaasha ayaa imaaneysa xili CC Shakuur uu weli kusii dhiiranaayo inuu furo u noqdo Mucaaradka kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com