Faroole oo weerar aan hore loo arag ku qaaday jawaari iyo wasiirka dastuurka

Garoowe (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dingiin u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe saaka ayuu shegay inuu socdo qorshe lagula dirirayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya qaadatay, wuxuuna si toos ah u weerarray Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo uu ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha ay faraha kula jiraan ee dastuurka.

“Guddoonka Golaha shacabka waxaa ugu baaqayaa fara gelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo hadba meel ku casuumayo oo faraha hala baxo”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

“Caqabadaha socda waxaa ka mid ah in lala dirirayo nidaamka federaalka, waxaa kow ka ah Hoggaanka Golaha shacabka iyo cida keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn Wasaaradda Dastuurka oo awalba loo heystay dastuurkii KMG shirweynihii dastuurka ee lagu ansixiyay Xamar sanadkii 2012 faraha gelisay oo buuggii wax ka bedeshay, maalmahan shirarka waday, cida la hadashana aysan jirin”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Wuxuu ugu baaqay Faroole Hya’adda UNDP ee Qaramada Midoobey inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh ee Dastuurka, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay howlaha dib u eegista dastuurka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u eegistii dastuurka ay soo dhamaatay, isla markaana qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama Aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, howsha dastuurka ay u xil saaran tahay Guddiga madaxa banaan oo ah cida qoreysa.

Waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey, gaar ahaan UNDP inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh, isagoo baaq u diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

“Qaramada Midoobey, gaar ahaan Hey’addeeda UNDP horumar ayay aheyd inay ka shaqeeyaan, ma haboona inay siyaasad ka shaqeeyaan, waxaa leenahay ha joojiyeen maalgelinta ay ku wadaan howsha Wasiir Xoosh iyo Jawaari ay wadaan, ha joojiyeen lacagta lagu bixinayo ka leexinta wadada saxda aheyd ee dastuurka iyo awoodaha hey’adaha federaalka”ayuu yiri Faroole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com