CC Shakuur oo shaaciyey arrin ay isaga iyo Odowaa ka dhexleen siyaasadda + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday arrin ay ka siman yihiin isaga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), taas oo ay ka dhexleen siyaasadda Soomaaliya ee ay mudada dheer kusoo jireen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay furitaanka mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ayaa sheehgay in isaga iyo Odowaa aysan siyaasadda ka helin dhaqaalo badan, balse ay ku shiideen, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga iyo saaxibkey Cabdiraxmaan Odowaa waxaan ka simanahay ma nihin dadka siyaasadda wax ka hela, dadka siyaasadda ku shiiday ayaa nahay” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan heysan lacag, balse ay inta awoodaan ku darsan doonaan dhismaha dekedda magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

“Lacago badan ma heysano oo aan meesha ku darsano cabsina waa naheysaa kista yar waxaan is leenahay meesha amay horay u socon weysaa, laakiin Risk ayaan idinla qaadaneynaa, aniga 10 shey halayga gado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Mr. Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray ganacsatada Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inay ka dhabeeyaan go’aanka ay ku dhisayaan dekedda ay yeelato Galmudug.

“Waxaan u mahadcelinayaa ganacsatada ku dhiiratay inay dhagax dhigga kaliya naga dhaafaan oo markaan u beddalaan Practical” ayuu mar kale yiri CC Shakuur.

Sidoo kal wuxuu dardaarankiisa kusii daray “Si macquul ah u darsa caqabadaha na horyaallo, fiiriyana sidii guushaas loo dhalin lahaa”.

Galmudug ayaa haatan ku howlan dhismaha dekedda Hobyo oo xalay si rasmi ah uu u daah-furay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).