CC Shakuur oo shaaciyey ‘xog uu soo ogaaday’ oo ku saabsan qoraalka NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu bixiyey amarka qoraalkii ay soo saartay NISA oo sheegtay in la helay xogta nin isku qarxi raba madaxa qaranka, gaar ahaan Farmaajo iyo Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wado kasta ay hadda ka soo xirantay kooxda Farmaajo, isla markaana ay 12-ka bishaan Abriil oo ku beegan sanad guurada ciidanka xoogga dalka ay damacsan yihiin qorshe culus.

Siyaasigaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ugu baaqay inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo is bedel lagu sameeyo hoggaanka hey’adaha amniga, isagoo NISA ku tilmaamay talis ay halis weyn ka imaaneyso.

Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur oo dhameystiran:

Sida aan xog sugan ku helnay farriinta lagu daabacay bogga Twitter-ka ee NISA waxaa amarkeeda bixiyey madaxweynaha xilkiisa dhamaaday. Waa isku day lagu carqaladaynayo doorashada dalka, gacantana dalka loogu gelinayo argagexisada Alshabaab. Markii lagu guul darraystay muddo kororsi, laaluush, kala qaybin, xil ballanqaadis, ayaa la isugu hanjabayaa argagexisada. 

Waxaan u bahaan nahay in aan dalka ka ilaashanno argagexisada magaca siyaasadeed iyo midda kan diineed huwan oo ay dantoodu isku tolantay. 

NISA halkii ay ka ilaalin lahayd amniga dalka, iyadii ayey halistii amniga ka imaanaysaa. Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddu waa in ay isbedel degdeg ku sameeyaan hoggaanka hay’adaha amniga, waana in la joojiyaa dabaaldegga ajandaha gurracan lagu hoos abaabulayo ee 12-ka April, maadaama aan 3 sano ee ugu danbaysay aan la qaban. 

Xukuumad, maamul, shacab, siyaasi iyo waxgaradba waa in meel uga soo wada jeesannaa halista uu dalka wajahayo oo xilligan adag badbaadinta dalka u wada istaagnaa, gacana iska qabanaa kuwo doonaya in ay dumiyaan mirihii Nabada iyo dawlad dhiska dalkeena.