CC Shakuur oo shacabka Muqdisho usoo jeediyey hab ay ku bad-baadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay dilalkii dhowrka ahaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay shalay, oo mid ka mid ah lagu dilay Aamina Xuseen Xasan, xilli ay fadhisay fasalkii ay ka dhiganeysay jaamacadda Soomaaliya, oo ku taalla xaafadda Baar-Ubax ee degmada Howl-Wadaag.

Qoraal uu soo dhigay Faceboob, ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay inaysan jirin cid lagu halleeyo amniga, sidaas darteedna wuxuu shacabka usoo jeediyey inay isku tashadaan oo ay is-difaacaan. Hoos ka aqri qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen Aamino Xuseen iyo Dayax Iimaan Xasan. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Nabadoon Iimaan Xasan Jiirow oo ah aabaha dhalay Dayax Allaha u naxariistee.

Dayax wuxuu ahaa ruuxii sedaxaad ee maanta Muqdisho lagu dilay, wuxuuna dhowaan soo dhamaystay waxbarashadii heerka Jaamacadeed. Dayax wuxuu filayey in uu hiigsiga nolashiisa xaqiijiyo kana mira dhaliyo yididiiladiisa.

Qaylodhaanta xildhibaanada maalmahan ka soo yeeraysay iyo falalka amni daro ee Magaalada ku soo badanaya waxay ka tarjumayaan in aysan jirin cid lagu haleeyo masuuliyada aminga ee dalka, gaar ahaan caasimada.

Shacabku waa in ay isku tashadaan, lagana fekero sidii la isku difaaci lahaa.