SACUUDIGA oo markii ugu horeysay shaaciyey arrin uu ka dhex wado Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in Yamaniinta kasoo barakacay dagaalka ka socda dalkooda ay uga warqabto gudaha Somalia, oo ay meelo badan ka joogaan.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Qaxootiga Yemeniyiinta ay ku taageereen lacag dhan $11 Bilyan oo Dollar saddexdii sano ee lasoo dhaafay, waxa ayna beenisay wararka sheegaya inay ku hayaan barakac iyo gargaar la’aan.

Dowladu waxa ay sheegtay in qaabab badan ay u caawiso  Yemaniinta ku sugan Somalia, halka qaarkoodna ay uga warqabaan wadamada ay u qaxeen.

Hay’adda Samafalka u qaabilsan Boqor Salmaan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dadka Yemeniyiinta ay ku taageereen Soomaaliya, isla markaana ay kala hadleen dowlada Somalia oo uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo.

Madaxa Hay’adda Gargaarka Cabdullaah Al-Raciib ayaa ku dhawaaqay gargaarkaan iyo qiimaha ku baxay.

Mashaariic Hay’addu ay sheegtay in ay ka fulisay Gudaha Yemen oo gaareysay 277 waxa ay tilmaamtay in ay ku baxday lacag dhan Hal Bilyan, Lex boqol Milyan oo Dollar-ka Mareykanka (1,600,000,000 dollar).

Waxa uu Cabdullaahi tibaaxay in hadii uu Mashruucaan sii socdo uu qaadan karo lacago ka badan midka ay hadda soo bandhigeen.

“Yamaniinta ugu badan waxaanu ku heynaa Somalia waanu ka warqabnaa noloshooda dowlada Soomaaliya-na waanu kala shaqeynaa sida ay kusii wadi laheyd taageerada Yamaniinta”

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa sheegay in dadka ugu badan oo ay dhibaatadu gaarto ay yihiin Yemeniyiinta iyo Ajaaniibta Soomaalida, itoobiyaan iyo Eretariyaan oo wajahaya dhibaatooyin isugu jiro dhimasho, Dhaawac, Barakac iyo Cuduro ka dilaacay Dalkaasi.

Yemen ayaa Soomaalida u aheyd marin ay kaga sii tallaabaan Sacuudiga, dadka Yemeniyiinta ayaa intooda badan Soomaaliya usoo barakacay 2015-kii, kolkaas oo ay xoogeysteen dagaalada dalkaa ka jira.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia wali ma aysan soo bandhigin dhaqaalaha ku baxa garabka ay siiso Yamaniinta ku nool Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com