Xog: Farmaajo oo mar kale sanadkii labaad oo xiriir ah ka baaqday shirka QM

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeyb-galka shirka golaha guud ee QM ee 25-ka bishan ka dhacaya xarunta QM ee magaalada New York, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Madaxweynaha, oo sidoo kale ka baaqday kulankii sanadkii tagey, ayaa lagu warramay inuu markan u baaqday sidii uu xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug, oo gaaray heer dhammaan madaxdii maamulka, xilalka looga qaaday mooshinno is-diidan oo ay sameeyeen xildhibaanada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24-ka September, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

Waftiga Soomaaliya ee kulanka guud ee QM ayaa waxaa hogaamin doona wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo sidoo kale isaga oo matalaya madaxweyne Farmaajo halkaas ka jeedin doona khudbadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Axmed Ciise Cawad ayaa xalay u amba baxay magaalada New York.