Wiil 5 sano jir ahaa oo lagu dilay, meydkiisana lasoo dhigay banaan, Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqidsho aya sheegay in Xaafada Jungal ee Degmada Yaaqshiid, Gobalka Banaadir lagu arkay meydka Wiil yar oo reerkiisa ka anbaday.

Ehelka wiilkan oo lumay shalay Duhurtii ayaa la raadinayey, waxaana lagu magacaabaa Sufyaan Cismaan Barre, iyadoo markii danbe xalay meydkiisa laga helay xafadda Jungal, kadibna baaritaan loo geeyay xarunta CID-da.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya geerida wiilka yar oo da’diisa lagu sheegay 5 sano jir, iyadoo jirkiisa ay ka muuqatay in Ceeji lagu dilay, taasoo keentay su’aalo badan oo ku saabsan cidda falkan kula kacday canuga saqiirka ah.

Booliska Muqdisho ayaan wax war ah kasoo saarin dhacdan oo a mida falal dilal ah oo maalmihii ugu danbeeyay Muqdisho hareeyay.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com