Arag Sawirrada: Weerar ay askar badan ku dhinteen oo lagu qaaday dalka Iran

Al-ahwaaz (Caasimadda Online) – Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo ka dhacay mid kamida magaalooyinka waaweyn ee wadanka iiraan.

Wararka ka imaanaya wadanka iiraan ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay weerar aad u xooggan ku qaadeen bandhig melleteri oo ka socday magaalada Al-ahwaaz.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 23 qof oo ubadan ciidamada Melleteriga ay ku dhinteen weerarka oo dhacday barqadii maanta waqtiga maxalliga ah ee wadanka Iiran.

Wakaaladda wararka ufaafisa Iiraan waxay faafisay in dadka dhintay ay kamid yihiin saxafiyiin iyo carruur.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Meydad daadsan goobta weerarku ka dhacay iyo gaadiidka caafimaadka oo dhaawacyo daabulaya.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli xiisadda udhaxaysa dowladaha iiraan iyo Mareykanka ay cirka iskusii shareerayaan islamarkaana Trump uu cunaqabateymo hor leh kusoo rogay shirkado ganacsi iyo mas’uuliyiin iiraaniyiin ah.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com