Xog: Sababta MURSAL ugu diiday xildhibaanada inay ka hadlaan dilalka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay baarlamaanka Somalia kaa oo looga doodayay arrimo muhiim ah.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa xeer hoosaadka golaha balse Xildhibaan ka mid ah BFS ayaa laga hor istaagay inuu ka hadlo dilalkii ka dhacay Magalada muqdisho.

Ka hadalka dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hor istaagay Xildhibaan Maxamed Camar Dalxa, iyadoo amarka looga mamnuucay uu bixiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xildhibaan Maxamed Camar Dalxa, ayaa hadalkiisa ku furfurtay ka hadalka dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho waxaana ka joojiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad khaldan ku sifeeyay qodobka uu ka hadlaayay Xildhibaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa markii hore ka digay in laga weecdo ajandaha, taa oo u sabab aheyd in Xildhibaanka laga hakiyo khudbadiisa ku saabsaneyd dilalka Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sababta ku sheegay ka weecashada uu Xildhibaanka ka weecday ajandaha kulanka waxa uuna arrin khaldan ku sheegay in Xildhibaan Dalxa uu iska indhatiro mowduuca kulanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sabab ka dhigay in amniga mudo 3 maalin ah laga hadlayay,isla markaana haduusan wax kale heyn laga doonaayo inuu hadalka iska joojiyo.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Xildhibaanada baarlamaanka Garabka Mucaaradka ay waddo ka dhigteen qodobka Qaraxyada iyo dilalka, xili ay horay uga soo doodeen ajandahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com