4 qof oo lagu tuhmayo dilka Aamina Xuseen Xasan oo gacanta lagu soo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in dad badan loo soo qabtay dilal dhowr ah oo is-xigixgay oo maalmihii dhowaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Taliyaaha ayaa sheegay in dad ay usoo qabteen dilka wiil yar oo shan jir ahaa oo saaka meydkiisa laga helay magaalada Muqdisho, islamarkaana isla maantaba maxkamadda la horgeeyey.

Sareeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in afar qof ay usoo xireen dilka Aamina Xuseen Xasan oo shalay lagu dhex dilay jaamacadda Somalia, markii koox hubeysan ay fasalka ugu galeen kuna toogteen. Waxa uu sidoo kale sheegay in dad kale oo arrintan lala xiriirnayo ay ku raad joogaan.

Qara ka mid ah ehellada Aamina ayaa Caasimada Online u sheegay in Aamina ay ahayd haweeney 43 jir ah, oo ku jirtay sanadkii u dambeeyey ee jaamacadda, islamarkaana ay baraneysay kuliyadda Sharciga iyo Qaanuunka.

Waxaa la sheegay in Aamina ay lahayd carruur waa weyn, oo qaarkood ayagaba dhigta jaamacado, inkasta oo aysan dhigan jaamacadda hooyadood lagu dilay.

Ragga dilka gaysta oo laba ahaa ayaa la sheegay in xilli iskuulka ay ka baxayeen arday, qara kalena soo galayeen, kusoo dhex dhuuntaan, ayaga oo wata bastoolado, kadibna ugu yimaadaan fasalka, oo ay ku toogteen.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com