CC SHAKUUR oo sheegay arrin uu ka walaacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa sheegay in xilligaan ay walwal iyo cabsi ka qabaan inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Waxaa uu sheegay in walwalkaas uu ku yimid in waqti yar ay dowladda Soomaaliya madaxdeeda uu u haray, hadadna aysan muuqan qorsho ay ay madaxda dowladda u dejiyeen doorashada soo socota.

“Waxaan qabnaa walwal doorasho, waayo waqti sanad iyo waxyar ah ayaa u harsan madaxda dowladda welina lama wadaagin dadka Soomaaliyeed sida ay doorashada ku dhici karto noomana muuqato in qof iyo cod dalka ka dhacdo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isaga oo la hadlayay idaacadda VOA-da, ayuu Cabdiraxmaan sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya uu qorshahoodu yahay inay sameeyeen mudo kororsi, taasina ay u keentay walwalka dhinaca doorashada ah oo ay qabaan.

Waxa dhanka kale uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka inay joojiyaan dagaalka siyaasadeed oo ay ku haayaan siyaasiyiinta ka aragti duwan iyo maamul Goboleedyada oo kala dhaxeeya talada dalka, loona baahan yahay in madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada labada Aqal ay ka wada tashadaan qaabka ay u dhici laheyd doorashada.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya ay Madaxda Dowladda ku eedeeyeen inay qorsheynayaan mudo kororsi.

Hoos ka dhageyso codka Cabdiraxmaan

caasimada@live.com