CC SHAKUUR oo si la yaab leh uga fal-celiyey shirka uu ku baaqay FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay shirka uu markale ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, kaas oo dhacayo 22-ka bishan March.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in arrin lagu qoslo ay tahay hadalka ka soo yeeray Farmaajo, kadib fariintii ka timid Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uusan sharcuyada u heysan in xilligan uu isugu yeero madax goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa arrin lagu qoslo in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday si uu isaga dalfiyo fariinta kulul ee uga timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharraxiinta mucaaradka.

Shirkan ee uu markale iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo socon doono muddo labo cisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka.

Si kastaba shirweynahay ayaa noqonaya kii afaraad ee uu ku baaqo Farmaajo, tan iyo markii muddo xileedkiisa dhammaaday 8 February ee sanadkan 2021-ka.