Xildhibaan CC SHAKUUR oo soo jeediyey hab looga hortegi karo AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan kororka weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka kooxda uu yahay inay muujiyaan in aysan dalka ka jirin dowlad la’isku haleyn karo, sida uu hadalka u dhigay.

“Cadowgu wuxuu doonayaa in uu tusiyo in aysan jirin dawlad ay isku halleeyaan oo ay dullaysigooda aqbalaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyey habka kaliya ee looga hortegi karo weerarada Al-Shabaab iyo halistooda, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in abaabulka ka dhanka ah kooxdan uu noqdo mid heer qaran ah, si toos loogu wajaho dagaalka lagula jiro.

“Gulufka dagaal iyo gurmadka abaabul ee loogu hiilinayo shacabka uu Shabaab gumaadayo, waa in uu heer qaran noqdaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ergeygu.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo shalay kooxda Al-Shabaab ay weerar lagu laayey dadka shacab ahaa, gaadiidna lagu gubay ay ka fulisay gobolka Hiiraan.

Weerarada Al-Shabaab oo si weyn u baahay ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah kooxda, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May.