CC Shakuur oo soo saaray warbixin lid ku ah dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo soo saaray warbixin dheer ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka.

Cabdiraxmaan oo qormo cajiib ah ku daabacay boggiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay shaqada baarlamaanka, arrimaha ammaanka, siyaasadda, dagaalka iyo Laascaanood, wuxuuna saluug weyn iyo dhaliil ka muujiyay hannaanka ay wax uga socdaal waddanka.

Ergeyga ayaa warbixintiisa ku muujiyay inuu jiro gaabis weyn oo ay sameynayaan hay’adaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir, balse waxa uu tilmaamay in uu si adag oo kalinimo ah u shaqeynayo madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hooose ka aqriso:-

Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Hawiye, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka, kan guud ee Golaha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, jihayn siyaasad qaran, korjoogtayn laanta fulinta metelaad deegaan, iyo doodaha masiirka dawlad dhiska, la dagaalanka Alshabaab toona loogama hadlo.

Golaha Shacabku xubnihiisu waa 275 mudane, lagu so xulay 4.5, laakiin jufo, beel ama qabiil isku ajande ah, ama isku meel wax u wadaahi ma jiro. Xisbiyo ama kutlooyin laga tirsan yahayna ma laha.

Xildhibaan kasta madaxiisaa mayrax ugu xiran tahay, waa nin walbow naftaa nabiyow umaddaa. Qaar waxay ka joogtaa maxaaan shaqadaydii uga soo tegey.

Markii Golihii la xiray Cumro, Istanbuul iyo Nairobi ayaa loo kala yaacay. Nairobi waxaa maalmo dhow ku sugnaa ku dhowaad 10 wasiir iyo 100 xildhibaan oo danahooda shakhsiga ama qoysaskooda la jooga, kuwaa ayaan ka mid ahay.

Maqaayadaha iyo hoteellada Kenya ayaa la isaga soo hor baxaa. Ra’iisul Wasaarihii isna ku dhowaad labo toddobaad ayuu Cumro iyo Ciid ku maqnaa.  Allaha ka aqbalo.

Madaxweynaha kaligiis ayaa harjad iyo halgan dagaal Al-Shabaab kula jira. Wuxuu u egyahay nin sidii Nabbi Muuse (CS), lagu yiri

“Tag oo adiga iyo Ilaahaaga dagaallama halkaan ayaan kugu sugaynaa”. Qof walba in Alshabaab laga soo adkaado ayey sugaysaa. Waa dagaalkii Putin iyo Ukraine oo kale.

Maayarkii Muqdisho isagoo dhallinyaro budayn ku jira, ayaa magaaladii mar qura biyo ku soo burqadeen, bullaacadihiina wada butaaceen, Bajaajtiina weli ma bejin.

Waxaan arkay ruux masuul ah oo Facebook-giisa ku aammanay bakooradda Maayarka, labo maalin ka dibna isla qofkii ayaa la ii sheegay in uu qolo ajnabi ah kula sheekaysanayey in Maayarku yahay xagjir loona baahan yahay in dalka laga qabto.

La yaabbi mayo, sababtoo ah labo wajileynta waxay noqotay meherada keli ah ee maanta siyaasadda ka furan.

Ma sahlana in aad siyaasadda ka libin keento haddii aad waydo saaxib runta kuu sheega, dhufaysna kuugu jiraan mucaarad iyo maamul gobolleedyo doonaya in ay ku wiiqaaan, dagaalna kula jirto cadow doonaya in uu ku dilo.

Dunida ma jiro dal 30 sano gobannimo la’aan ah, dadkiisuna la noolyihiin argagexiso, colaad, faqri, cudur, waxbarasho la’aan, abaaro, fatahaad, sharci iyo kala danbayn la’aan, dhallintiisiina rajo beel iyo quus darteed, ay qax iyo tahriib hor leh billaabeen.

Dagaalka Laascano weli ka socda ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo hanti burburka baaxadda leh sababay wuxuu tilmaan ka bixinaya halka ay Soomaali 30 sano ka dib taagan tahay.

Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?

Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna waa kuwa leh;

“Abidkeeyba meel lagu xintamo waa anigaa xigaye

maxaa iga xumaan jiray, haddii rag is xiniin taabto”.

Halkaa sawir aan wanaagsanayn iyo saadaal aan wacnayn ayaa ka soo socota.

Taa waxaa la mid ah muddo xileedka gabaabsiga ah ee madaxda dawlad Gobolleedyada Federaalka iyo damaca muddo kororsiga ee ay wada qabaan, goodiska, hanjabaadda iyo is abbaabulka ay wadaan siyaasiyiinta diiddan xil kororsiga ee iyaga xukunka kula loollamaya iyo ka dan la’aanta qaybaha kale ee  bulshada iyo daalka ka muuqda beeshii caalamka ee booliska ahayd, waxaasoo idil waa  daruur mugdi ah oo Soomaaliya dul hoganaysa.

Culimada cilmiga bulshada waxay yiraahdaan, “sida ay ummadi u nooshahay waxay ka turjumaysaa aragtida ay nolasha ka qabaan”. Cidna ku eedi mayno waxaan u noolnahay sidii aan mutaysanay.

Carabta waxay tiraahda; “shidooy bado si dhabbe u furmo”. Habeenku marka uu ugu mugdiga badan yahay ayuu waagu dillaacaa, siday u indha xuntahay uma Alle la’a, inkastoo Qaanuunka Rabaaniga uu ahaa “Ilaaheey qolo ma beddelo ilaa iyo inta ay iyagu iska beddelaan”. “Qaanuunka Allana isma beddelo ismana doorsho”

Isbedel kama horeeyo iyadoon sida aan u fekerayno iyo aragtideena diinta, aduunka iyo dawladnimada isbedelin.