Daawo: Banaan-bax culus oo looga soo horjeedo xaalad Muqdisho ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaan-bayo culus oo lagu taageerayo qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu kula dagaalamayo maan-dooriyaha ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Banaan-baxaan waxaa dhigay dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir, waxayna la hadleen warbaahinta, iyagoo cod dheer ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ku garab taagan yihiin qorshihiisa suulinta daroogada.

Dhalinyaradaan ayaa si gaar ah taageero ugu muujisay go’aankii uu qaatay guddoomiye Madaale oo gacantiisa ku uleeyey dhalinyaro isticmaaleysay maan-dooriyaha.

“Xumaan wade dooni meyno, maan-dooriye dooni meyno,” ayey ku qeylinayeen dhalinyaradaan oo socdaal ku soo martay qeybo badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii dhalinyaradaan ayaa isugu tagtay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, halkaas oo warbaahinta ay kula hadleen.

“Waxaan maanta sigu soo baxnay suulinta maandooriyaha iyo silica ka jira magaalada Muqdisho, wado fiican ayuu guddoomiye Madaale noo furay, waxaana rajeynayaan in Muqdisho laga siiliyo xumaan oo dhan,” ayey tiri gabar ka mid ah dhalinyaradii banaanbaxa dhigtay.

Waxay dhalintaani duqa Muqdisho ku dhiirageliyeen inuu sii laba jibaaro dagaalka uu kula jiro maan-diiriyaha, “Madaale waan kula shaqeyneynaa, guryaha iyo goobaha lagu qariyana, waan kaala soo saareynaa daroogada,” ayey tiri gabar kale.

Sidoo kale dhalinyaradu waxay codsatay in magaalada, gaar ahaan dekedda iyo garoonka laga joojiyo maandooriyaha laga soo dejiyo, “Dhalinteena qaar waxay aamintay in aysan joogi karin Taabuu la’aan ee deg deg waan wax uga qabano arrintaan,” ayuu yiri wiil ka mid ah banaan-baxayaashii galabta.

Hoos ka daawo