Dagaalka ka socda Sudan oo saameyn culus ku yeeshay Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadanka Jabuuti waxaa saameyn weyn ku yeeshay qulqulka dadka ka baxsanaya dagaallada ka qarxay dalka Suudaan, dadkaan oo reer Galbeed u badan ayaa buux dhaafshay garoomada caalamiga ah ee Jabuuti.

Dadka gaaraya Jabuuti waxaa laga soo daadgureynayaa caasimadda Sudan ee Khartoum, si loogu gudbiyo dalalkooda.

Garoonka diyaaradaha ee Djibouti waxaa si joogto ah maalmahaan u fariisanaya oo soo caga dhiganaya diyaarado badan oo howlgallo daad-gureyn ah ka wada Suudaan.

Dadkaan ayaa hadda bilaabay inay u sii amba-baxaan dalalka Midowga Yurub oo intooda badan ay ka soo jeedaan, waxaana laga dhoofinayaa Jabuuti, iyadoo koox walba dalka ay u dhasheen dib loogu celinayo.

“Si wanaagsan oo aad aan u jecleystay ayaa la iigu soo dhaweeyey Jabuuti, waxaana jeclahay inaan dib ugu soo laabto dalkaan, markii laga baxo xaaladaan daad-gureynta ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii maanta laga dhoofiyey garoonka magaalada Jabuuti oo dib ugu laabtay wadankiisii.

Nin kale oo ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka reer Jabuuti ay xusuus gaar ah ku reebeen, kadib markii ay magan-geliyo iyo soo dhaweyn u fidiyeen.

“Waa markii ii ugu horeysay oo aan Jabuuti cagaha soo dhigay, markii laga laga baxo xaaladaan samata-bixinta ah ayaan dib ugu soo laabanayaa dadkaan wanaagga badan,” ayuu yiri ninkaan oo maanta diyaarad loo saaray qaaradiisa Yurub.

Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad.

Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood, iyadoo dagaalka la isku adeegsanayo duqeymaha, taangiyada iyo madaafiicda uu gilgilay Khartoum iyo magaalooyinka ku dhow ee Bahri iyo Ombdurman.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF kaasi oo soo bilowday 15-kii bishan April, kaasi oo quus geliyey qorshe ay beesha caalamku taageersaneyd oo dalkaasi uu ugu guurayay hannaan dimuqraadi ah.

Dagaalka ayaa sidoo kale dib u soo kiciyay colaadda labaatan sano jirsatay ee gobolka galbeedka dalkaasi ku yaalla ee Darfur halkaasi oo dad badani ay toddobaadkan ku dhinteen.

Ciidanka ayaa diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha laheyn ee drones-ka ku beegsanayay xaafadaha ay ciidamada RSF kaga sugan yihiin caasimadda. Dad badan oo ku nool magaalada ayaa ku xayiran dagaal magaaleedka oo keenay raashin yari, shidaal iyo koronto la’aan.

Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo aaminsan khasaaraha dhabta ah uu intaasi aad uga badan yahay.