Xogtii ugu dambeysay ciyaarta caawa dhex-mari doonta 17-jirrada Somalia iyo Algeria

Muqdisho (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee 17 jirrada ah ayaa caawa la ciyaaraya xulka dalka Algeria ee dhiggooda ah, tartanka Koobka Qaramada Afrika ee ciyaartoyda 17 jirrada ka yar.

Dadka Soomaaliyeed ayaa caawa aad u dhowraya natiijada cayaartaan, waxayna dhalinyarada Muqdisho qabaan rajo ah in Soomaaliya ay guul ka gaari doonto ciyaarta caawa.

Xulka Qaranka Soomaaliya, waxay caawa la cayaari doonaan kooxda uu dalkeedu marti gelinayo cayaaraha koobka qaaradda Afrika ee Algeria, wuxuuna caawa koobkaasi ka furmayaa caasimadda Al-jaza’ir ee dalka Algeria.

Soomaaliya iyo Algeria, weligooda isagama hor imaanin cayaaraha kubadda cagta, xulka Algeria waa markii labaad oo tartankaan ay ka soo qeyb galayaan.

Cayaartoyda Soomaaliya waa markii labaad oo tartankaan ay ku soo baxaan, balse waa markii koowaad oo ay ka qeyb galaan finalka cayaaraha koobka qaaradda Afrika.

Sanadkii 2018-kii waxay cayaartoyda Soomaaliyeed u gudbeen finalkii koobka cayaartii la qabtay sanadkii 2019-kii, balse xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa xilligaas ka cudur-daartay inay ka qeyb galaan ciyaartaas.

Sababta ay Soomaaliya sanadkaas uga hartay cayaartii kama dambeysta aheyd ee koobka qaaradda Afrika waxay xiriirku ku sheegeen dhaqaale la’aan heysay xulka.

Soomaaliya ayaa hoggaamineysa koobkii sanadkii hore lagu soo gabagabeeyey dalka Itoobiya oo wacdare ay ka dhigeen, waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay ka qeyb galeyso cayaaro heer caalami ah, burburkii dalka kadib.

Cayaartoyda labada qaran ee Soomaaliya iyo Algeria ayaa ku jira diyaar garowgoodii ugu dambeeyey, waxayna ciyaartaan bilaabaneysaa caawa 10:00 am, rajo badan ayey qabaan xulka Soomaaliya.

Ciyaar-yahan muhiim ah oo lagu magacaabo Cabdixaafid ayaa lagu reebay dhanka shuruudaha koobka, gaar ahaan dhanka da’da, waxaana reebitaanka ciyaaryahankaas aad uga dooday xulka Soomaaliya oo weli rajo ka qaba in hadii caawa uu ka haro xitaa uu ka qeyb galo ciyaaraha dambe.

Xulka 17-jirrada Soomaaliya waxay hadda gudaha u galeen garoonka ay cayaartu ka dhaceyso ee Nelson Mandela Stadium, halkaas oo ay kula ciyaari doonaan dhigooda Algeria daqiiqado kadib ayey bilabaneysaa cayaartaan.