Sawirro: Ciidanka xoogga oo galabta deegaan muhiim ah ka xoreeyey Al-Shabaab

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta howlgallo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ugu culus wuxuu galabta ka dhacay degaanka Ceel-Cali-godle oo dhanka waqooyi kaga beegan degaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka ayaa cagta mariyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab, halkaas oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay kooxdu soo dhoobtay dagaalyahano badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in qoysas reer miyi ah ay deegaankaas ka raacdeeyeen, si aan loo helin xogtooda, balse waxaa la sheegay inay maanta carareen, markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda uu ku soo duulay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-Cali-godle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay in aysan ka hari doonin kooxdii ka carartay deegaankaas ee  Al-Shabaab oo weli ku dhuumaaleysaneysa dhulka howdka ah ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Todobaadyadaan waxaa gaabis ah duulaanka dowladda ee dagaalka Al-Shabaab, waxayna ciidanka ugu badan hadda kala joogaan Galcad iyo Ceeldheer oo ka tirsan Galgauud.

Wixii ka dambeeyey markii kooxda Al-Shabaab ay ciidanka ku weerartay deegaanka Budbud oo lagu dilay askar badan gaadiid badana ay ku gubeen, waxaa hakaday dhaqdhaqaaqii ciidanka, waxayna hadda u muuqataa in kaliya ay is difaacayaan.

Ciidanka qaranka oo ka tallaabay gobolka Shabeellada Dhexe, gudahana u galay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo waligood ay Shabaab maamulayeen ayaa isku diyaarinaya xoreynta qeybaha ay gobollada ka joogto kooxdu.