28.3 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

CC Shakuur oo u caqli celiyay Soomaalida qabyaalladda guusha ugu diidan FATEH

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka ayaa si adag uga hadlay dadka Soomaaliyeed ee u diidan guusha Omar Fateh, oo ah wiil Soomaali ah oo u taagan xilka duqa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Cabdiraxmaan ayaa mar hore wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay guusha u diidan yihiin Omar Fateh, oo u tartamaya xil aysan weli Soomaali qaban.

Sidoo kale wuxuu ayaan-daro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay wiilkaas libintiisa ku hor istaagaan haybta reerkiisa, iyadoo qolo kalena guushiisa ku diidan tahay isirkiisa Soomaali iyo diintiisa Islaamka.

“Cumar Faatax, hankiisa iyo heerka uu joogo wuxuu ku gaaray fursada taala dalka Maraykanka iyo qiyamka ku dhisan in qofka uu ku soo bixi karo karti, isku-kalsooni iyo soocnimada qofka uu yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray: “Sidaas oo ay tahayna wuxuu ka soo tilaabay caqabo badan oo ka hiilinayey, sida isirka, diinta, nolosha qaxootinimo iyo in aanba isku dayga looga horaynin. Hadafkiisu waa gaarista himiladiisa Maayarka Minneapolis, ololehiisuna waa waxqabadka bulshada dooranaysa”.

Sidoo kale wuxuu xusay in Cumar uu ka gudbay caqabado badan oo ay kamid yihiin kala sooc isir, diin, nolol qaxooti iyo caqabadaha ka dhasha fursad la’aanta.

“Libintiisu waxay dhiiragelinaysaa jiil isaga ka danbeeya ee isirka Soomaali ku abtirsada. Waase ayaandaro in dad Soomaaliyeed ay libintiisa ku hor istaagaan haybta reerkiisa, iyadoo qolo kale guushiisa ku diidan tahay isirkiisa Soomaali iyo diintiisa Islaamka.”

Doorashada duqa Minneapolis ayaa maanta oo Talaado ah dhacaysa, waxaana ku tartamaya afar musharax oo ay ugu cadcad yihiin Omar Fateh iyo duqa hadda xilka haya ee Jacob Frey, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda xibsiga Dimuqraadiga.

Waa kuma Omar Fateh?

Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa siyaasi ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku jira xilligiisii labaad ee uu yahay senatarka gobolka ee degmada 62-aad ee Minnesota, isagoo sidoo kalena u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis.

Wuxuu ku dhashay Washington, D.C., Fateh wuxuu sheegay inuu yahay wiil ay dhaleen waalidiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya, isla markaana uu dhowaan noqon doono aabbe.

Wuxuu shahaadada Master-ka (heerka labaad ee jaamacadda) ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna u soo noqday khabiir arrimaha bulshada ee Minneapolis, isku-duwaha mashaariicda ee Wasaaradda Gaadiidka gobolka, iyo falanqeeye ganacsi oo ka tirsanaa Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay senatarka gobolka sanadkii 2020, Fateh wuxuu noqday Muslimkii ugu horreeyay iyo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah ee ku biira Aqalka Sare ee Minnesota. Wuxuu horey olale aan guuleysan ugu galay kursiga aqalka sare sanadkii 2018, isagoo doorashadii is-reereebka ee xisbiga Dimoqraadiga looga guuleystay, waxaana ka adkaatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Hassan.

Maxay yihiin ballan-qaadyadiisa?

Tartankiisa duqa magaalada, Fateh wuxuu isku aqoonsanayaa inuu yahay hanta-wadaag dimoqraadi ah (democratic socialist) kaasoo, ballanqaadyadiisa siyaasadeed ay ka mid yihiin, inuu hagaajin doono difaaca darawallada shirkadaha gaadiidka dadweynaha ee Uber iyo Lyft, la dagaallami doono tacaddiyada booliska, iyo inuu kordhin doono guryaha la awoodi karo kiradooda.

Wuxuu ballan-qaaday inuu mushaarka ugu yar ee magaalada ka dhigi doono $20 saacaddii marka la gaaro 2028, kaasoo hadda ah $15.97. Mushaarka ugu yar ee gobolka Minnesota ayaa hadda ah $11.13.

Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday inuu si adag uga hor istaagi doono maamulka madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump, taasoo ay ka mid tahay inaan loo oggolaan doonin booliska magaalada inay la shaqeeyaan Hay’adda Socdaalka iyo La-dagaallanka Muhaajiriinta Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement – ICE).

“Haddii ay tahay howlgal socdaal iyo haddii kaleba, dadkeennu waxay mudan yihiin duq magaalo oo ka hor istaaga Donald Trump oo yiraahda, ‘maya, taas kama dhacayso bulshadeenna dhexdeeda.'”

- Advertisement -

Read more

Local News