CC Shakuur oo weerar ganbasho la’aana ku qaaday Madaxda ugu sareysa dalka & Dhaliil laga muujiyay Mooshinka Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maxaliga ah ayaa aad u dhaliilay Siyaasada Madaxda Somalia ee iminka lagu shaqeeyo.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si gaara uga hadlay Mooshin la sheegay in laga gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaa oo xiisad iyo kala jab ka dhex abuuray Xildhibaanada baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa sheegay in Mooshinka Jawaari ka hor ay jireen dagaalo lala galay Madaxda Maamul goboleedyada ,Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada qaar ee Golaha Shacabka, isaga oo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Madaxda dalka ugu sareysa.

Waxa uu Siyaasigu sheegay inaanu macquul aheyn in Madaxda dalka ay dhaqan ka dhigtaan dagaal iyo is jiidjiid taagan, waxa uuna ku taliyay in la qaboojiyo Siyaasada.

Waxa uu tilmaamay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur in dowlada Somalia ee hadda jirta ay xasiloonida Siyaasadeed ka jeceshahay inay karkariso Siyaasada dalka.

Isagoo ka hadlaayay dhaliisha uu u qabo Madaxda dalka iyo Siyaasada lagu shaqeynaayo ayuu yiri ‘’Madaxda Villa Soomaaliya Xasiloonida waxa ay ka doorbideen Xasarad Siyaasadeed”

Nuqul kamid ah haddalka Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa ahaa “Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in uu jabay. Madaxtooyada Soomaaliya waxay Dagaalka siyaasadeed ka soo bilawday in xilka laga tuuro madaxda maamul goboleedyada. Waxaa ku xigey Xildhibaanada oo Xaasanada laga qaado, madaxda Xisbiyada oo xabad iyo xarig lagu dayo’’

‘’Wuxuu haatan marayaa gudoomiyaha Baarlamaanka. Su’aashu waxay tahay yaa ku xiga?. Waxaa muuqata Villa Somalia in ay xasiloonida ka door bideyso xasarad siyaasadeed”