Sababta ka dambeyso mooshinka laga gudbiyey Jawaari oo la ogaaday iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) –Xildhibaano gaarayo ilaa 107 Xildhibaan ayaa mooshin xil kala noqosho ah ka gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Xildhibaanadaas ayaa qodobo badan kusoo eedeeyey Jawaari waxayna ku tilmaameyn inuu yahay nin is lahesiiyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inuu awoodda ku takrifalay isla markaasna uu ku xadgudbay Dastuurka Dalka u yaalo.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan ku sameysay sababta ka dambeyso in Mooshinkaan deg deg ah laga gudbiyo Guddoomiye Jawaari.

Sida aan xogta ku helnay Guddoomiye Jawaari ayaa  waday olole xooggaan oo uu mooshin kaga keenayo Ra;’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa laga ogaaday arrinta uu wado Jawaari waxaana bilaabatay qorshooyin weerar celis ah oo lala eeganayo Guddoomiye Jawaari.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay inuu si deg deg ah isugu duwo xildhibaano badan si uu uga hor taggo weerarka uu abaabulayo Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari wuxuuna weerar celiskaaan lama filaan ku noqday Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dareemay culeys badan, waxaana hadda muuqato in looga guuleystay isla markaasna ay ugu dambeyn labada mooshin fashilmi doonaan.

Prof. Jawaari oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa Shantii sano ee ugu dambeysay ayaa isku dayayo inuu ka badbaado weerarka culus ee uga imaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha waxayna middaan u noqotay cashir uusan iloobi doonin maadaama meel uu isaga weerari rabay laga soo weeraray.

Xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqdo inuu galay xaalad lamid ah middii Baarlamaanka Galmudug kaasoo laba qeyb u kala jabay ugu dambeyntii dood dheer kadib laga heshiiyey.

jawaari iyo Xirtiisa ayaa ku adkeysanayo inuu buray mooshinkii laga soo gudbiyey, halka xildhibaanadii Mooshinka keenay ay ku adkeysanayaan inuu sharci yahay isla markaasna Baarlamaanka Soomaaliya la hor geyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com