CC Sharmaarke oo sheegay xaalad dalka uu geli karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo hadda ah Senator kamid ah Aqalka Sarre ayaa si adag uga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu khilaaf xoogan ka taagan yahay.

Cumar Cabdirashiid ayaa walaac xoogan ka muujiyey fashilka ku yimid wada-hadaladii teendhada Afisyooni, wuxuuna ku baaqay in markale la isugu imaado miiska wada-hadalka.

Senator-ka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu sidoo kale ku sheegay in joojinta wada-hadalladaas ay horseedi karto xaalad hubaal la’aan ah oo uu dalka galo.

“Joojinta wada-xaajoodyada doorashooyinka waxay bulshada u horseedi doontaa xaalad hubaanti la’aan ah, iyadoo su’aal la gelinayo mustaqbalka dalkeenna.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka guracan ee madaxda sarre ee waqtigoodu dhamaaday ay dalka ku riixayaan wax uu ugu yeeray ‘kala-tag iyo fowdo’.

Hadalkaan ayaa imanaya xili aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka doorashada, islamarkaana lagu kala kacay wada-hadalo muddooyinkii dambe madaxda sarre ee dalka uga socda teendhada Afisyooni, kaasi oo ay dowladda shaacisay inuu fashilmay.

Waxaa laga deyrinayaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo laga cabsi qabo inay gaarto heer gacan ka hadal ah, kadib markii dhinacyada is-diidan dhowr jeer iska hor-imaad ku dhex-maray magaalada Muqdisho.