Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa si jeesjees ah uga hadlay ololaha uu kula jiro Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.
Cumar C/rashiid waxa uu sheegay inuusan garaneynin si uu ula tacaamul Xasan Sheekh waxa uuna tilmaamay in Madaxweynaha uu lamid yahay Musharaxiinta kale.
Waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu ka dhamaaday wakhtiga islamarkaana uusan laheyn tixgalin gaara marka la eego xaqiiqda jirta.
“Xasan Sheekh waxa uu xiligaani lamid yahay musharaxiinta kale, waxaa nasiib darro ah in mar waliba uu caburiyo kuwa la loolamaaya”
Cumar C/rashiid waxa uu sidoo kale, sheegay in Madaxweyne Xasan uu dhowr jeer isku dayay in musharaxiin dhowr ah uu ka hor istaago ololahooda waxa uuna ficilkaasi ku tilmaamay mid anaaninimo ah.
“Xasan Sheekh uma dhaqmo sida shaqsi mas’uul ah, waayo waxa uu wakhtigiisa ku dhameystay saaxiib uruursi waxa uuna dayacay mas’uuliyadii saarneyd”
Haddalka Cumar C/rashiid ayaa imaanaya xili uu sii kordhaayo Khilaafka kala dhexeeya Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]