Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay weerarkii ruux hubeysan uu ka geystay dalka Mareykanka kaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
Ra’iisul wasaaraha oo tacsi u diray shacabka Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in dhacdada ka dhacday Mareykanka ay tahay mid maalin kastaa ka dhacda magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in weeraro kala duwan marar badan ay ka dhaceen hoteelo ku yaala magaalada Muqdisho, balse uu xanuunka ay leedahay dhacdada uu la wadaagayo shacabka Mareykanka.
“Mareykanka waxii ka dhacay waan ka xunnahay, waana wax quseeya Soomaaliya oo marar badan ayaa wadanka waxaa ka dhacay sidaasi oo kale, weeraro badan ayaa la weeraray oo dhibaatadaasi oo kale laga geystay”ayuu yiri Cumar C/rashiid.
Dhinaca kale ra’uusl wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in howlaha dhiman lagu dameyn doono bilaha kooban ee u harsan dowlada Soomaaliya.
Xukuumadiisa ayuu sheegay iney kasoo dhamaadeen dhamaan howlihii horyaalay, haatanna la dhameystiri doono shaqooyinka harsan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]