Xog: Xasan iyo Odowaa oo go’aan ku gaaray in shirka JOWHAR la…

Jowhar (Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in Xassan iyo Wasiir Odawaa ay ila arkeen in maalmo un lagu daro mudada uu shirka Jowhar soconaayo.

Ilo wareedka aan xogtaani ka xiganay oo ka tirsan Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ujeedka maalmaha dheeriga loogu dari doono shirka Jowhar uu yahay in wada xaajood adag lala furo garabka Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kuwaasi oo si ganbasho la’aan ah kaga soo horjeeda shirka ka socda Jowhar.

Madaxweyne Xassan iyo Wasiir Odawaa oo kulan gaar ah ka yeeshay arrintaani ayaa iminka garwaaqsaday in qaab khaldan loo wajahay shirka Jowhar waxa ayna iminka baadi-goob ugu jiraan sidii lagu heli lahaa Guddi ka kooban labada Gole ee dalka kuwaasi oo u badnaan doona kuwo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan si ay wada-xaajoog ula furaan Odayaasha ku gadoodsan magaalada Beledweyne.

Gudiga ay labadaani mas’uul diyaarinayaan ayaa lagu wadaa in xal kama danbeys ah ka gaari doonaan magaalada Beledweyne si Odayaasha Hiiraan ugu qanciyaan inay galaan shirka gabagabada ah.

Dadka qaar ayaa qaba in qorsho gaar laga leeyahay shirka qalqalka ku jira ee iminka ka socda magaalada Jowhar, halka qaarna ay rajo ka muujinayaan shirka.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono iyo sida lagu raali galin lahaa Odayaasha ku careysan magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com