Garoowe (Caasimada Online) – War nasoo gaaray ayaa sheegaya in Maxkamada sare ee Maamulka Puntland ay baadi-goobeyso Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia.
Xildhibaankani ayaa lagu soo oogay Dacwad ka dhan ah, waxaana la sheegay in Dacwada kadib uu isaga baxay deegaanada Puntland oo uu ku joogay Safar gaaban.
Xildhibaanka ay baadi-goobeyso Maxkamada ayaa la sheegay in lagu magacaabo Xil. Feysal Cabdullahi Guuleed oo ka tirsan baarlamanaka dowladda Federaalka ah ee Somalia.
Maxkamada Magaalada Garoowe ay amartay in Xildhibaanka uu si dhaqsi ah kusoo gaaro Maxkamada horteeda, inkastoo ay dhamaatay mudadii loo qabtay.
Dacwada Xildhibaanka ayaa la xiriirta Guri uu ka kireystay magaalada Garoowe balse uu Magaalada ka soo tagay isagoo aan bixin lacagti lagu lahaa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Maxkamada.
Warqada Xildhibaanka lagu faray inuu ku hor imaado Maxkamada ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1aad ee Degmadda Gorowe Cabdi nuur Ow jaamac Xuseen, waxana Xildhibaanka la sheegay in weli uu u xiran yahay guriga.
Dhinaca kale, Xil. Feysal Cabdullahi Guuleed, ayaa iminka ku sugan Magaalada Muqdisho waxana la sugayaa in uu dhawan ka jawaabo eedeynta loo soo jeediyay.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]