Chelsea oo garaacday Monterrey gaartayna Finalka CWC.

Chelsea ayaa u gudubtay Finalka Koobka Kooxaha Aduunka ka dib markii ay 3-1 kaga talaabsatay kooxda Mexico ka dhisan Monterrey.

Goolasha Chelsea waxaa daqiiqadii 17-aad daaha ka rogay Juan Mata, wuxuuna shabaqa si habsami leh ugu hubsaday kubad uu ka helay Ashley Cole.

Chelsea ayaana wixii intaas ka dambeeyey caadeysatay inay weerar is daba joog ah ku qaado shabaqa Monterrey fursado badan ayeyna iska qasaariyeen.

Jesús Aldo De Nigris ayaa ku dhowaaday inuu shabaqa kasoo taabto Chelsea qeybtii hore ee ciyaarta ka dib markii uu karoos ka helay Sergio Pérez, laakiin wuu iska qasaariyey ka dib markii uu goolhayuhu cadaadis saaray, sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore.

Markii la isku soo laabtay ayaa Chelsea weeraro hajuun ah ku qaaday Monterrey, ciyaarta oo qeybtii labaad hal daqiiqo socoto ayaana waxaa shabaqa kasoo taabtay Fernando Torres oo  dhaliyey kubad ay isku sareen daafacyada Kooxda Mexico.

Fernando Torres ayaana kasoo shaqeeyey laba daqiiqo ka dib gool ay iska dhaliyeen Monterrey Ka dib markii uu geeska bidix kubad farsameysan uga soo tuuray Mata oo isna is lahaa u dhiib Oscar balse Darvin Francisco Chávez oo is lahaa kubad difaac ayaa shabaqa kooxdiisa si aan kas aheyn ugu leexshay.

Jesús Aldo De Nigris ayaana kooxda Mexico goolka calanka u dhaliyey dhamaadkii ciyaarta. Balse waxba uma gelin maadaama goolal badan lagu lahaa.

Chelsea ayaa kama dambeysta Koobka Kooxaha Aduunka la ciyaari doonta kooxda Corinthians oo guul 1-0 ah kasoo gaartay Al-Ahly.