China oo go’aan ka qaadatay gobolka Tigray kadib markii duqeyn culus ay dhacday

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada dowaldda federaalka Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeymo culus la beegsadeen Warshad Sonkorta soo saari jirtay Sonkorta oo dowladda Shiinuhu ay maal-galisay, taas oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Guancha oo ka tirsan gobolka Tigray.

Warbaahinta Shiinaha ayaa werisay intii duqeymahaasi ay socdeen in la beegsaday goobo ay deganyihiin dad rayid ah, sidoo kalena la burburiyey inta badan goobihii kaabayaasha dhaqaalaha ee ku yiilay magaaladaas.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in dowladda Shiinaha ay 630 ka mid ah muwaadiniinteeda ka daad gureysay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo mudo bil ah ay ku hardamayaan kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda federaalka.

Magaalooyinka waaweyn ee gobolka Tigray waxaa ka jiray mashaariic kala duwan oo Shiinuhu maal-galiyey, sidoo kale waxaa jiray muwaadiniin badan oo Shiineys ah oo ka howlgeli jiray warshadaha ka shaqeeya gobolkaas.

Safaaradda Shiinaha ee Itoobiya ayaa go’aansatay inay muwaadiniinteeda kala baxdo gobolka Tigray, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay bad-qabkooda. Waxaana loo qaaday goobaha nabdoon ee dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Shiinaha.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxay ahayd mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan Shiinaha ee himiladeeda ay ugu magacdareen Belt iyo Road Initiative – oo ah mashruuc balaayiin dollar ku kacaya oo ka kooban dhisidda waddooyin, tareenno iyo dekedo.

Todobaadkan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray gulufkii ka socday gobolkaas, isagoo sheegay in duqeymaha cirka aysan bartilmaameedsan doonin goobaha dadka rayidka ah ay ku noolyihiin. Waxuuna  hogaamiyeyaasha gobolka Tigray ku tilmaamay kuwo qarankooda khiyaamay.