CIA-da oo lumisay basaasiin badan oo ay dunida ku laheyd – Sidee ayey wax u dhaceen?

Langley (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa weysay basaasiin badan oo ku kala sugnaa caalamka, sanadihii dhowaa, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin la daabacay Taladaadii.

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa farriin sir culus ah u dirtay xarumaha ay ku leedahay caalamka iyo saldhigyo, taasi oo ay ku sheegtay in jaajuusiin badan oo laga qoray dalal kale, si ay ugu basaasaan Mareykanka, la qabtay, la dilay ama xogtooda la ogaaday, sida uu daabacay wargeyska New York Times, oo soo xiganay dad xogogaal u ah arirntan.

“Farriintan ayaa iftiimeysa dhibaatada ay hay’adda sirdoonka ka mareyso qorista basaasiin dunida ku kala sugan ayna wajaheyso xaalad adag,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times. 

Farriinta CIA ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha sirdoonka dalal ay ku jiraan China, Iran, Pakistan iyo Russia ay ugaarsi ku hayaan basaasiinta Mareykanka, oo ay xitaa qaarkood u rogayaan laba wajiileyaal. 

Xaqiiqda ah ay in tiro basaasiin ah ay si fudud ku ogaadeen dalalka caalamka ayaa xasarad ka dhex abuurtay CIA-da. Hay’adda ayaa sheegtay in ayada oo taknoolajiyadda caalamka ay horumar sameyneyso ay fudeyd noqotay in la aqoonsado basaasiinteeda. 

Dhinaca kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dib uga dhacay ururinta sirdoonka dalalka cadowg loo arko, sababo la xiriira in labaatankii sano ee tegay uu diiradda saarayey la-dagaalanka argagixisada. 

Farriinta ayaa sidoo kale xustay dhibaaootin kale oo ay CIA-da wajaheyso oo ay ka mid yihiin shaqo xumo, inay si fudud isaga aaminto xog-ogaalkeeda, inay fududeysato awoodda sirdoonka dalalka kale, iyo inay si fudud u qorato sirdoonka ayada oo aan dareen ku bixin halista ka hor-tagga sirdoon. 

New York Times ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiisha ka shaqeeya kiisaska ee CIA-da mararka qaar lagu dallacsiiyo qorista basaasiin cusub, ayada oo aan dib loo eegin guusha ay soo hayaan sirdoonka ay qoreen, taasi oo dhalisay in la qoro dad aan tayo wanaagsaneyn.