Taliska booliska Somalia oo war kasoo saaray afduubkii lagu eedeeyey Taliye Xijaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalin ka hor Xildhibaan Cali Cabdullahi (Cali Afgooye) uu u jeediyey Taliyaha booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, taas oo aheyd in uu degmada Afgooye kasoo afduubtay laba kamid ah nabadoonada beeshiisa.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xarunta barista dembiyada booliska ee CID-da ayaa sheegay in Xildhibaan Cali Afgooye uu u gefay booliska Soomaaliya.

“Xildhibaanka sida uu qirayba waxaan tusnay labada mawaadin oo lagu hayo CID-da, balse waxaan ka xunahay markii uu ku hubsaday gacanta booliska iyo laanta barista inuu sheegay inay labada muwaadin booliska u afduuban yihiin, dad ma afduubano, mana xukuno ee waa baarnaa qofkii la tuhmo,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay inay aad u ixtiraamaan xildhibaanada, haatana uu cadeynayo in baaris ay ku socoto dadka uu u doodayo Xildhibaan Cali Afgooye, gal-dacawadeed-koodana ay diyaariyeen, si loogu gudbiyo maxkamadda.

“Muwaadiniintaas eedeysanayaasha ah waxaan diyaarinay galkooda, waxaana u gudbineynaa maxkamadda awooda u leh, boolisku wax ma xukumo, siimana daayo amar la’aan, kaliya waxaan baarnaa qofka la tuhmo, waxaan ka xunahay xildhibaankeena anigoo ixtiraamnay oo soo dhaweynay inuu noo gefay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka oo ka jawaabayey eedeyntii uu xildhibaanku u jeediyey Taliye Xijaar oo aheyd in dadkaas uu Xijaar u afduubtay arrimo siyaasadeed, ayaa sheegay in Taliyuhu uusan wax badan kala socon arrinta odayaashaas oo CID ay leedahay taliye gaar ah, balse Taliye Xijaar uu kaliya ogyahay in qofkii lasoo qabto, baaritaana la marsiiyo, hadii dembi lagu helana maxkamadda loo gudbiyo.

“Waxaan u sheegeynaa xildhibaanada qaranka, qofkii ay soo eedeeyaan bulshada Soomaaliyeed ama fal dambiyeed lagu qabto, waxuu booliska Soomaaliyeed xaq u leeyahay inuu ajiibo oo u yeero, si eeda loo heysto uu uga gar-baxo, hadii lagu waayo waxa lagu soo eedeeyey boolisku waa sii daayaa, hadii lagu helana waxa uu hor geeyaa maxkamadda, maxkamaduna waxay eedeysanaha kula wareegtaa cadeyn markii boolisku keeno, intaas kadibna ayada xukunta ama sii deysa,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Xildhibaan Cali Afgooye ayaa maalin ka hor warbaahinta ka sheegay in arrinta loo xiray Odayaasha ay tahay mid siyaasadeed, si sharci darro ahna ugu afduuban yihiin Taliye Xijaar iyo Taliye lagu magacaabo Bulac oo maamula CID-da.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in uu soo faro-geliyo arrinta Odayaasha uu sheegay inay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xijaar mudo todobaad ah.