Xog: Sababta Qoor Qoor u diiday inuu la xoojoodo Ahlu-Sunna iyo arrin uu dalbaday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku gacan seeray inuu wax wada-hadal ah la galo kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo dhowaan dib u qabsatay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo tabinayaa deegaanka, waxayna siyaasiyiinta kasoo jeedo Galmudug aragtiyo kala duwan ka bixiyeen sida loo wajahayo kooxdaan soo rogaal celisay ee Ahlu-Sunna.

Inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda 11-ka beel ee ku midoobay Galmudug ayaa si buuxda garab istaag ugu muujiyey maamulka Galmudug, iyagoo Ahlu Sunna ku tilmaamay koox jabhad ah oo qabsatay dhul nabad ah oo uu maamul ka jiro, waxayna ku baaqeyn in maamulka Galmudug lagu garab siiyo inuu xaqiijiyo amniga deegaanka iyo inuu gacantiisa kusoo celiyo deegaankii laga qabsaday dhawaan.

Dhinaca kale, waxaa jiro dhowr siyaasi oo kasoo jeedo Galmudug oo ku baaqay in xiisadda taagan lagu xaliyo wada-hadal, balse Galmudug ayaa u aragtay siyaasiyiintaas inay yihiin kuwii ka shaqeeyey in Ahlu-Sunna ay dib usoo rogaal celiso.

Ugaaska Beesha Cayr oo markii hore ku baaqay inuu kala dhex galo maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa dib uga laabtay mowqifkiisa taasoo loo arkay in Galmudug ay qaadatay go’aan ah inaysan wada-hadal la gelin kooxda Ahlu Sunna .

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, maamulka Galmudug ayaa ka biyo diiday inuu wax wada-hadal ah la galo koox kusoo duushay deegaan nabad ah oo uu maamulkaas ka talinayey.

Sida wararka sheegayaan, Qoor Qoor ayaa aaminsan in kooxdaan ay tahay jabhad kusoo duushay deegaan nabad ah, sidaas darteedna uusan marnaba wax wada-hadal ah la geli doonin illaa ay ka baxaan deegaanada ay qabsadeyn.

Ahlu Sunna ayaa diiday inay isaga baxdo magaalada Guriceel oo ay dhawaan la wareegtay, waxaana fashilmay isku day la doonayey in magaalada looga saaro.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa magaalada Guriceel ku diyaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna.