Daawo: Beesha Murusade oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara go’aanka PUNTALND

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada dhalinyaro ay maxkamadda Puntland ku xukuntay dil toogasho kadib markii lagu soo eedeeyey Al-Shabaabnimo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inuu soo farageliyo arrintaan.

Ehelladan oo kasoo jeedo Beesha Murusade ayaa sheegay in wiilashooda aysan ka tirsaneyn Al-Shabaab, islamarkaana lagu qasbay inay sheegtaan wax aysan aheyn.

“Wiilasheena meel ay joogaan ma naqaan, xukun been ah ayaa lagu xukumay, Puntland way diiday in loo soo wareejiyo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa Ra’iisul Wasaare Rooble inuu arrintaan soo farageliyo,” ayey tiri hooyo kamid ah dadkii isku soo baxay oo la hadashay idaacadda Kulmiye.

Dadka isku soo baxay ayaa Maamulka Puntland uga digay inay dalka u celiyeen qabiilkii laga soo gudbay, waxayna ku eedeeyeen Puntland inay dadkaan u beegsaneyso qabiil ahaan.

“Waxaan codsaneynaa in dadkaan dambiyada ay galeen lagu soo caddeeyo, haddii aan la caddeyn dilkooda iyo xukunkooda waa sharci darro, taasina waxay keeneysaa jahligii qabiilka ahaa ee laga soo gudbay in mar kale loo laabto, dadka dad ayey leeyihiin anaga dambiilayaal ma taageersanin, haddii aan lasoo deyn dadkaasna waxaa dhici doono aar gudasho,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii isku soo baxay.

Qoysaskaan ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Muqdisho kadib markii Maxkamadda Racfaanka Puntland ay ayidday xukun dil ah oo lagu riday dhallinyaradaan lagu soo eedeeyey inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin, kadib markii ay racfaan kasoo qaateen maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil toogasho horey ugu xukuntay.

Maamulka Puntland oo horey uga hadlay cabashada qoysaskaan ayaa sheegay in aysan jirin cid qabiil ahaan loo beegsanayo balse dhallinyaradaan ay yihiin kuwa ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay iyaga xataa qirteen.