R/W Abiy oo gole wasiiro ku dhowaaqay, qaadayna laba tallaabo oo lama filaan ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta codka kalsoonida siiyay xukuumadda Cusub, ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ka kooban 22 wasiir.

Abiy Axmed ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo wasiirka gaashaandhigga u magacaabay nin kasoo jeeda gobolka Tigray, oo dagaal xooggan uu kala dhaxeeyo Abiy Ahmed. Arrinta yaab leh ayaan aheyn inuu Abiy magacaabay wasiir Tigray ah, hase yeeshee inuu ku aaminay xilka wasiirka gaashaandhigga oo muhiim u ah dagaalka ayaa su’aalo badan abuurtay.

Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray -ga oo ay dawladdu samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonku dib u qabsan gobolka ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Saddex xubnood oo ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa kusoo baxay liiska golaha wasiirada cusub Abiy, taasi oo iyana lama filaan kale noqotay.

Saddexda xubnood ee mucaaradka ayaa kala ah: Professor Birhanu Nega oo ka tirsan xisbiga EZEMA, oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, Belete Mola oo ka tirsan xisbiga NAMA oo loo magacaabay wasiirka hal-abuurka iyo taknoolajiyadda, iyo Merdasa Tulu oo ka tirsan xisbiga OLF oo loo magacaabay wasiirka cayaaraha iyo dhaqanka.

Sidoo kale, Ahmed Shide oo ah Soomaali, islamarkaana aad ugu dhow Abiy Ahmed ayaa dib loogu magacaabay wasiirka maaliyadda.

Halkaan hoose ka akhriso liiska golaha wasiirada oo dhameystiran

1. Demeke Mekonnen Hassen – Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda
2. Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca
3. Ahmed Shide – Wasiirka Maaliyadda
4. Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka
5. Oumer Hussen Oba – Wasiirka Beeraha
6. Engineer Aisha Mohammed – Wasiirka Waraabka iyo Horumarinta dhulka
7. Engineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
8. Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada
9. Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka
10. Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka
11. Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha
12. Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda
13. Gedewon Timotewos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda
14. Dr. Lia Tadesse – Wasiirka caafimaadka
15. Belete Mola – Wasiirka Hal-abuurka iyo Taknoolajiyadda
16. Ambassador Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska
17. Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga
18. Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Kaabayaasha iyo magaalooyinka
19. Engineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
20. Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Cayaaraha
21. Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada
22. Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta