Daawo: Arrin been ah oo laga sheegay dagaalkii la sheegay inuu ka dhashay muufada

Muqdisho (Caasimada Online) – Mulkiilaha Maqaayada Dabayare oo habeen hore uu ka dhacay dagaal noociisu ku cusub yahay magaalada Muqdisho kuna dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa beeniyay in dagaalka uu ka bilowday Muufo.

Maxamed Yuusuf Dabayare ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday kadib markii dhalinyaro cuntooyin kala duwan ka cuneen maqaayada ay diideen inay bixiyaan lacagta cashada, kuwaasi oo markii dambe wacday ciidamo millateri ah.

Ciidamada millateriga iyo kuwa amaanka oo uu la hadlay maamulka maqaayada ayaa iska hor-imaad ku dhex-maray gudaha maqaayada, taasi oo ay ku dhaawacmeen saddex qof, halka uu ku geeriyooday hal qof oo kale.

“Dadka isla dhex-maraya in Muufo la isku dilay, Muufo keli ah la iskuma dilin ee dadka waxay ahaayeen toddoba qof waxay cuneen raashin kala duwan kitchen, bariis, baasto iyo muufo intaba waa la cunay” ayuu yiri mulkiilaha maqaayada Dabayare.

“Anaga dad ganacsato ah ayaa nahay waxaa noo ciidan ah ciidamada amniga, wuxuu dagaalka ku bilowday ciidamo la wacday ee Muufo la iskuma dilin. Khasaaro xoog leh ayaa naga soo gaaray oo dadkii casheynayay ayaa naga kala cararay.”

Ma aha markii u horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu iska hor-imaad dhexmaro, hase yeeshe waxaa la yaab ku noqotay bulshada in ciidamo isku rasaaseyan dhalinyaro bixin waayey lacagtii cashada.

Hoos ka daawo muuqaalka