GABAR iska soo tuurtay DABAQ ku yaalla magaalada Muqdisho iyo sababta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Waaberi kadib markii gabar ay iska soo tuurtay dabaq.

Gabadhaan oo aan weli la helin magaceeda ayaa da’deeda lagu sheegay illaa 20 jir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sababta ay gabadhaan isku soo tuurtay.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in gabadhaan ay aheyd shaqaale ka shaqeeneysay guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi.

Gabadha oo uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa waxaa hadda lagu daweenayaa mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu sheegay mid halis ah.

Sababta ay isku soo tuurtay ayey dadka deegaanka ku sheegeen inay tahay arrimo la xiriiro jaceyl ay u qabtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, balse warkaas lama xaqiijin karo illaa gabadha laga wareysto.

Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya inay gabadhaan isku soo tuurtay culeys ka heystay dhanka qoyskeeda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana bilooyinka ka ah dabaq laga soo tuuray gabar isla degmada Waaberi.