28 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Golaha Wasiirrada Israel oo go’aan ka gaaray safiirkii loo magacaabay Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Israel ayaa ansixiyay magacaabista Michael Lotem oo noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee u qaabilsan Somaliland, kadib markii ay aqbaleen soo jeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Axadda maanta, Lotem oo ahaa ergeyga meertada ah ee Israel u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha qaaradda Afrika ayaa haatan shaqadiisa u gudan doona si aan deggenaansho rasmi ah lahayn (non-resident).

Hore waxa uu u soo noqday safiirka Israel u fadhiya dalalka Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan. Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in magacaabistan uu hore u meel mariyay Guddiga Wasiirrada ee Magacaabista Diblomaasiyadda.

Tallaabadan ayaa timid bilo uun kadib markii Israel iyo Somaliland ay yeesheen xiriir diblomaasiyadeed bishii December 2025, taas oo ka dhigtay Israel dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Heshiiskaas oo la saxiixay 26-kii December ayaa dhigayay in labada dhinac ay kala furtaan safaarado, isla markaana is dhaafsadaan safiirro. Bishii Febraayo ee sanadkan, Somaliland ayaa iyaduna dhankeeda magacawday Maxamed Xaaji inuu noqdo safiirkeeda u fadhiya Israel.

Intaas waxaa sii dheeraa booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ku tagay Somaliland bishii Janaayo ee sanadkan.

Somaliland ayaa leh meel istiraatiiji ah oo ku taalla Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden), waxayna muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, iyadoo waddamo badan ay ka cabsi qabaan in arrintaasi ay ka caraysiiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dhiirrigeliso dhaq-dhaqaaqyada kale ee gooni-u-goosadka ah ee qaaradda Afrika.

Falcelinta Soomaaliya iyo beesha caalamka

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay, isla markaana gaashaanka u daruurtay aqoonsiga Israel, iyadoo ku adkaysanaysa in Somaliland ay tahay qayb kamid ah dhulkeeda.

Xukuumadda Muqdisho ayaa xustay in xiriir kasta oo diblomaasiyadeed oo dowlad shisheeye ay la yeelato Somaliland uu yahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda, iyadoo booqashadii Sa’ar ku tilmaantay “soo-galid aan oggolaansho loo haysan” (unauthorized incursion).

Dhanka kale, aqoonsiga Israel ayaa waxaa cambaareeyay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo labaduba sheegay in go’aankaasi uu wax u dhimayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyay tallaabadan, halka dowladda Mareykanka ay xaqiijisay inay sii wadi doonto aqoonsiga madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ay sheegeen in “uu ku jiro dhulka Somaliland.”

Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas

Goobta ay ku taallo Somaliland ee Geeska Afrika oo kasoo horjeedda xeebaha Yemen, halkaas oo ay ka taliyaan kooxda Xuutiyiinta ayaa ka dhigaysa deegaan xambaarsan miisaan istiraatiijiyadeed oo weyn.

Khubarada gobolka ayaa aaminsan in xiriirka Somaliland uu Israel siinayo marin sahlan oo ay ku gaarto Badda Cas, taas oo u sahlaysa inay bartilmaameedsato falaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Kooxdan ayaa weerarro is-daba-joog ah ku qaadayay Israel iyo maraakiibta badda intii u dhaxaysay Nofembar 2023 iyo Oktoobar 2025, kahor inta aan xabbad-joojin laga gaarin xiisadda Gaza.

Dhanka kale, bishii Janaayo ee sanadkan, dowladda Somaliland ayaa si adag u beenisay warar sheegayay inay oggolaatay inay qaabiso qaxooti reer Falastiin ah oo ka yimid Gaza ama ay Israel u ogolaato inay saldhigyo milatari ka sameysato dhulkeeda si loogu beddelo aqoonsiga. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in heshiiskaas qaabkaas loo dhigay.

Ugu dambayn, kulankan Golaha Wasiirrada Israel ee go’aamadan lagu gaaray ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Yahel Vilan inuu noqdo safiirka Israel u fadhiya dalka Singapore. Vilan ayaa hore u soo noqday ergeyga Israel ee dalka Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News