28.1 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

DEG DEG: Cabdullaahi Nuur oo iska casilay xilkii la-taliyaha madaxweynaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii la-taliyaha sare ee madaxweynaha Soomaaliya ee ka hor tagga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.

Cabdullaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu xilka uga tagay caqabadaha iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee adag ee dalka ka jira.

Waxa uu sheegay in is-mariwaaga taagan uu horseedi karo xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni. “Waxaan maanta, oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026, iska casilay xilkii lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri.

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu dhawaan si faah-faahsan uu bulshada Soomaaliyeed ula wadaagi doono aragtidiisa ku aaddan xalka xasaradaha siyaasadeed ee xilliga kala guurka, iyadoo la filayo inuu ku biiro isbaheysiyada siyaasadeed ee mucaaradka.

“Dhawaan ayaa si faahfaahsan aragtayda ula wadaago doonaa shacabka, maadaama muddada xilhaynta hay’adaha dowladda ee la doortay ay ku egtahay 15-ka May 2026, isla markaana ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 2023-kii u magacaabay Cabdullaahi Nuur inuu qabto xilka la-taliyaha sare ee uu maanta iska casilay.

Cabdullaahi ayaa si weyn loogu xasuusta inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida adag uga hor tagtay mudo kororsigii Farmaajo, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyey in ciidan hubeysan uu gudaha u soo galo Muqdisho, si looga hor tago mudo kororsiga.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ganacsiyo badan ku leh Muqdisho, ayaa horay saaxiib siyaasadeed ula ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda sida muuqata ay kala huleeleen, maadaama ay dowladda federaalka ku adkeysaneyso in sanad dheeri ah ku darsato, iyadoo uga qiil dhiganeysa dastuurka cusub ee la meel-mariyay.

- Advertisement -

Read more

Local News