27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Wasiirkii difaaca Maali oo la dilay iyo xaaladda oo faraha kasii baxaysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Bamako (Caasimada Online) – Wasiirkii Gaashaandhigga dalka Maali, Janaraal Sadio Camara ayaa lagu dilay weerarro qorsheysan oo lala beegsaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla guud ahaan dalkaas.

Warkan ayaa soo baxay maalin uun ka dib markii gurigiisa oo ku yaalla magaalada weyn ee taliska milatariga ee Kati uu la kulmay weerar ku bilowday qaraxyo, xilli ay weerarro isku mar ah fulinayeen kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo jabhadda Tuareg.

Camara ayaa ahaa shaqsi udub-dhexaad u ahaa dowladda milatariga ah ee la wareegtay awoodda kadib inqilaabyadii is-xigay ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2020 iyo 2021.

Ninkan ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan hoggaanka milatariga ee talada haya, waxaana dadka qaar u arkayeen inuu ahaa shaqsiga mustaqbalka hoggaamin lahaa dalka Maali.

Dhimashadiisa ayaa lagu tilmaamay dhabar-jab weyn oo soo gaaray ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay fuliyeen qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari, kaas oo lala beegsaday guriga Camara ee Kati.

Magaaladan oo si weyn loo ilaaliyo ayaa qiyaastii 15 kilomitir dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Bamako, waana halka uu sidoo kale degan yahay Madaxweynaha KMG ah, Assimi Goita.

Kati waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah goobaha ugu ammaanka badan dalka, haddana dagaalyahanno ka tirsan kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ee xiriirka la leh Al-Qaacida, oo ay weheliyaan dagaalyahannada Tuareg ee ka tirsan Jabhadda Xoreynta Azawad (FLA), ayaa awooday inay soo qaadaan weerarkan.

Madaxweyne Goita ayaa la xaqiijiyay inuu nool yahay oo uu caafimaad qabo, isla markaana uu hadda ku sugan yahay goob ammaan ah. Tan ayaa ka dhigan in weli uu gacanta ku hayo taliska milatariga.

Kooxaha hubeysan ayaa sii wada weerarrada, iyagoo beegsaday dhowr goobood oo kale oo ku baahsan Maali, oo ay ku jiraan caasimadda Bamako, iyo sidoo kale magaalooyinka Gao iyo Kidal ee dhaca waqooyiga, iyo magaalada Sevare ee bartamaha dalka.

Dhawaaqa rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa weli laga maqlayay magaalada Kidal, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Bulama Bukarti, oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka iyo siyaasadda, ayaa sheegay inay u badan tahay in “dagaallo hor leh oo loogu jiro gacan-ku-haynta dhulka iyo goobaha istaraatiijiga ah” ay dhici doonaan maalmaha soo socda.

Wuxuu sidoo kale iftiimiyay sida kooxaha hubeysan ee horay isku dagaali jiray ay hadda isku biirsadeen si ay u weeraraan cadowgooda guud oo ah dowladda Maali.

“Kuwani waa laba kooxood oo u dagaallamaya yoolal kala duwan,” ayuu yiri Bukarti oo la hadlay Al Jazeera. “Laakiin waxay isku yimaadeen sanadkii hore, waxayna sheegeen inay iska kaashan doonaan howl-gallada mustaqbalka, waxaana maalmihii u dambeeyay aan aragnay fulinta rasmiga ah ee heshiiskaas.”

Midowga Afrika, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Xafiiska Arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa dhammaantood si kulul u cambaareeyay weerarradan.

- Advertisement -

Read more

Local News