27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Ciidanka badbaadada Koonfur Galbeed oo laga saaray Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada badbaadada Koonfur Galbeed ee dhawaan magaalada Baydhabo ka saaray Cabdicasiis Lafta-gareen maanta dib loogu celiyay degmada Buurhakaba oo markii horeba laga soo qaaday.

Ciidamadan oo ka qayb-qaatay howlgalkii ciidamada dowladda ay ku galeen Baydhabo 30-kii Maarso ee sanadkan 2026, ayaa haatan laga saaray gudaha magaalada, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo hubka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la’isla gartay in ciidamada lagu celiyo xarumahoodii, iyaga oo laga war qabi doono, maadaama ay qabteen howl muhiim ah, ayna ku guuleysteen howlgalkii Baydhabo.

Ujeedada ugu wayn ayaa ah in la xadiido ciidamada tirada badan ee jooga magaalada, maadaama la galayo doorasho iyo tartan adag oo isku hayaan dhinacyo kala duwan oo daneynaya hoggaanka Koonfur Galbeed.

Horay ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ayaa isaga baxay magaalada iyo hareeraheeda, iyaga oo gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo ee Jubbaland.

Arrinta ayaa kusoo aadeysa xilli maanta gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, isaga oo loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa JSP ku metalaya dooarashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahna saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu taratanka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.

Si kastaba, Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhabo ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saameyn xooggan ku leedahay.

- Advertisement -

Read more

Local News