26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Cidda ‘soo abaabushay’ xiisadda ka taagan PUNTLAND iyo ujeeddada laga leeyahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in Villa Somalia ay ku lug leedahay xiisadda amni ee ka taagan Puntland ee u dhaxeysa madaxweyne Saciid Deni iyo ciidanka PSF.

Xiisaddan ayaa timid kadib markii ciidamada PSF ay ka horyimaadeen xil ka-qaadis uu madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay agaasimihii ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kuna beddelay Maxamed Amiin Cabddullaahi Xaaji Khayr.

Waare ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Puntland waxay wajaheysa halis jiritaan oo ay soo abaabushay Villa Somalia. Xiisadda amni ee la abuuray ee hadda socota, waxaa loola dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo hay’adaha Puntland laguna wiiqo difaacii ugu dambeeyey ee federaalka.”

“Federaalku wuxuu saldhig u yahay is-afgaradka iyo nabadda beelaha. Dadka Puntland ska jira,” 

Ma ahan markii ugu horreysay ee Villa Somalia ay isku daydo inay xiisad siyaasadeed ka abuurto Puntland, oo ah maamulka ugu xooggan maamullada federal ee ka jira dalka.

Horey waxay Villa Somalia usoo farsameysay qalalaasihii ka dhacay baarlamanka Puntland ee horseeday in xilka laga qaado guddoomiyihii baralamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) 7-dii November 2019. 

Xiisadda cusub ee maamulka Deni iyo ciidanka PSF ayaa ka baaqsatay inay horseedo isk dhac. Taliyihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, oo shalay khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidankiisa, ayaa ku amray in aysan wax xabbad ah ku ridin magaalada, islamarkaana ay ilaaliyaan deganaanshaha Boosaaso.

Maxamuud oo ka hadlayey khilaafka kala dhaxeeyo madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu iska soo dhammaan doono, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax xiisad dagaal ah oo ka aloosan Boosaaso

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in Agaasimuhu ku amray in ay ka baxaan difaacyada qodan, islamarkaana si caadiya u wataan shaqadooda ciidanimo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

- Advertisement -

Read more

Local News