Arrin ku cusub doorashada 2021 oo Farmaajo u gacan gelinaysa xildhibaano badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dalka ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka waxaa isa-soo tarayay cabashada iyo walaaca laga muujinayey hanaankeeda, waxaana soo baxaysa in doorashadan ay awood ku leeyihiin maamul goboleedyada.

Doorashadan 2021-ka waxay tii 2016-kii uga duwan tahay in dowlad goboleedyada ay leeyihiin awood ay ku go’aamin karaan cida soo baxeysa, sida laga fahmay doorashooyinkii dhawaan ay qabteen.

Doorashadii 2016-kii waxaa awooda u weyn lahaa beelaha kuraasta leh, ayada oo ay hooseysay rejada raga ay wataan maamul goboleedyada, islamarkaana ay soo baxeen xiligaas dad ay diidanayeen.

Hase yeeshee, odayaasha beelaha ayaa hadda laba mid un ah; qaar la laaluushay oo wax u wada sida uu rabo madaxweyne Farmaajo iyo kuwa awood lagu muquuniyey, ayada oo sidoo kalena dhagaha laga fureystay qeylo-dhaantooda. Qaarkood ayaa xitaa liiska laga saaray laguna beddelay kuwa taabacsan Villa Somalia.

Tani waxay meesha ka saartay awooddii Nabadoonada iyo beelaha ay wax kusoo xulanayeen, sidii kal hore dhacday ee ay ku soo baxeen kuraas ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Goodax Barre, Cabdiqaadir Cosoble, Maxamuud Macalin Yaxye iyo kuwa kale oo taageero ka haystay beelaha.

Sida ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka waxaa kusoo bixi doona xubno uu gadaal ka riixayo Farmaajo, sida dhacday, maadama uu gacanta ku hayo inta badan madaxda maamulada dalka.

Farmaajo ayaa la rumeysan yahay iuu gacanta ku dhigi doono inta badan xildhibaanada ka imanaya Koonfur Galbeed, Galmudug, Banaadiriga iyo qeyb ka mid ah HirShabelle. Waxaa sidoo kale xisaabta ugu jirta 16-ka kursi ee lagu dooranayo Garbahaarey.

Si kastaba, tani kama dhigan inay dhammaantood u codeyn doonaan isaga marka la gaaro doorashada madaxweyne, ayada oo kuwa badan marka ay dantooda ku gaaraan u codeyn doona qofka ay dantooda mustaqbalka ka arkaan, sida dhacday doorashooyinkii hore.

Midowga Musharaxiinta oo fahamsan sida ay wax u socdeen iyo bookda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ayaa si adag uga horyimid qaabka ay u socoto doorashada, oo ay ku tilmaameen “doorasho boob qaawan.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii