Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri hadalkii Buurmadow ee ka careysiiyey reer Muqdisho?

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrinta Boqor Buurmadow, isagoo sheegay in Boqorku uu yahay nin geesi ah oo isku xil-qaamay inuu ka qeyb qaato xal u helidda mushkiladaha ka jira koonfurta Soomaaliya.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu dadaalkiisa ka bilaabay inuu raali gelin siiyo dadkii sida qasabka ah looga tarxiilay magaalada Laascaanood, balse lagu abaal dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Feysal Waraabe ayaa ku dooday in dadka reer koonfur aysan garaneyn ninka wax u gala iyo kan wax u dhiba, isagoo soo qaatay tusaalooyin kala duwan.

Waxa uu sheegay in Farmaajo oo haatan xukuma koonfurta Soomaaliya uu isla soo sawiray oo ku faanay la kulanka sarkaal ka tirsanaa jiray dowladii Maxamed Siyaad oo lagu magacaabo Korneyl Tuke, kaas oo deegaanada Somaliland looga heysto inuu xasuuq ka geystay.

Sidoo kale Feysal ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu dalka Mareykanka meydkiisa diyaarad uga soo qaaday Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo sida uu sheegay qirtay inuu amray duqeymo ka dhacay Hargeysa.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayuu ku eedeeyey inuu shahaado sharaf guddoonsiiyey Jeneraal Moorgan, oo ka mid ahaa saraakiishii dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad.

“War Hawiyow ma ninka idiin soo gurmaday ayaad leedihiin raali gelin ha bixiyo, maxay raali gelin u bixin waayeen kuwaan faraha dhiiga ku leh ee adduunka ka yaabiyey, waxaan idin leeyahay isku xishooda, waad ogeydeen sidii loo galay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdi Qeybdiid waa tii xaaskiisa musqusha loogu galay, war dhiig yeesha oo xaniyaha aad Buurmadow ku eryaneysaan dhulkiina la idinku qabsaday ku xoreysta,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii